Af soomaali

Waa maxay Tyfon ?

Tyfon waa koox waxqabadkoodu ku wajahan yahay da’ yarta ama dhallinyarada waayo-aragnimada u leh tahriibka/socdaalka, barokaca iyo qaxootinimada.

Waxaan si wadajir ah gacanta ugu haynaa waxqabadyo kala duwan si fahan qotodheer looga qaato arimaha la xiriira siyaasadda Iwm. Arimahaasu wax walba ayay noqon karaan; haday ahaan lahayd tartanno kubbadeed kuwaasoo kaalin mug leh ka qaadan kara waxbarashada, sida:caawinta layliyada, filimada/shaneemooyinka, bandhig-farshaxaneedyada, booqashooyinka, ka il-buuxsiga degaanka iyo wixii la hal maala.

Waxaan rumaysannahay in waxbarashadu ay ku timaado hannaan wadareed, loona baahan yahay in isku meel looga soo wada jeesto. Kooxdan Tyfon waxaa kale oo ay gacan ka siinaysaa da’yarta sidii ay iskood uga qayb-qaadan lahaayeen howlaha bulshada si firfircooni ay ku dheehan tahay.

Hab-shaqeedka Tyfon waxaa saldhig u ah fikradaha dadka ka qaybgalaya, halkaasoo qaybaha sida gaarka ugu hawlan arintan (shaqaalaha mashruuca) ay had iyo jeer u heellan yihiin bixinta wixii macluumaad ah ee loo baahdo, qalabka loo baahan yahay iyo isuduwidda cinwaanada xiriirka Iwm.

Tyfon waxay sidoo kale qabanaysaa aqoon-isweydaarsiyo ka hadlaya mowduucyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: ka qaybqaadashada siyaasadda, hababka dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, geedi-socodka koox shaqo, farsamooyinka hal-adayga, awoodaha, iyo xeer-hoosaadyada.

Typhoon waxay sidoo kale ku dadaalaaysaa inay abuurto goob ammaan ah; sidaa darteed,waxaan haysannaa koox u jajaban isku-dubarididda howlaha saamaynta ku yeelanaya gabdhaha oo kaliya iyo jinsiyadaha kala duwan.

Tyfon fadhigeedu waa Malmö: Glocal Folkhögskolan, balse hawlaheenu gobolka oo idil way ku baahsan yihiin. Waxaa kale oo inta badan nalaga helaa: *Mötesplatsen Otto* oo iyadana ku taal isla magaalada Malmö. Tyfon waxaa maal-geliya hay’ad swedish ah oo la’ yiraahdo: Arvsfonden, waxayna hay’adani hawlaheeda sii wadanaysaa sida lagu rajo weyn yahay ilaa laga gaarayo xilliga xagaaga ee sanadka soo socda 2016.

Qiimo Aasaasi ah

Tyfon waxay leedahay qiimo iyo sumcad aasaasi ah taasoo ah in ay aad uga fog tahay wax walba oo bulshada raad taban ku leh ama keeni kara Liidid, Kala sarrayn iyo Qoqob,

Bartilmaameddka Tyfon

Tyfon abbaarteedu waa dhammaan dhallinta khibrado ku filan ka haysta socdaalka iyo qaxootinimada. Annagoo maanka ku hayna in weydiimaha qaarkood ay aad xasaasi u yihiin, saasoo ay tahay idinma su’aali doonno arimaha ay ka midka yihiin: Da’da, Taariikh-nololeedkaada gaarka ah, Sharci daggenaansho inaad leedahay ama aad tahay sharci la’aan Iwm.

Aad baan usoo dhaweyneynaa in aad iska warranto kadibna aan si mug leh kuu dhageysanno.

Waxaan aad ugu hanweynnahay in guud ahaan dhallintu ay dareemi doonaan soo dhawayn diirran iyo xasillooni inta aan ku guda jirno fulinta barnaamijkan ay majaraha u hayso kooxda Tyfon.             Waxa inoogu qaalisan xaggeena waa dareenkaada ka tarjumaya in hawlaha Tyfon ay macno gaar ah kuu samaynayaan.

 

 

Annonser